Dalka Ingiriiska, Channel Islands iyo Isle of Man, waxaad u baahan tahay ruqsad TV haddii aad isticmaasho waxyaabaha lagu daawado ama duubto adeegyada barnaamijyada TV sida looga soo daayo TV (ay ku jiraan adeega satelaytka dibeddu).
Taas waxa ku jira isticmaalka waxyaabaha soo socda:
Waxa keliya ee aad u baahan tahay waa hal ruqsad oo TV gurigaaba, xataa haddii aad isticmaasho tiro ka badan hal wax kuwaas kor ku xusan.
Ruqsadda TV qiimaheedu waa £142.50 sannadkii TV-ga midabka leh, iyo £48.00 sannadkii kan caddaanka iyo madowga ah.
Daawashada TV aan lahayn ruqsad saxa waa denbi. Haddii aad ku daawato TV adiga oo aan haysan ruqsad saxa, waxaad halis u tahay denbi iyo ganaax dhan ilaa £1,000.
Hoos waxaad ka heli doontaa dhammaan siyaabaha aad u iibsan karto ruqsad TV.
Fiiro ku sa'absan luqadda: Fadlan ogow in, haddii aad gasho xiriiryada goobaha internetka, waxa laguu hogaamin doonaa nuxur ku qoran Af-Ingiriisi. Haddii aad rabto inaad isticmaasho adeegayaga turjumadda ee telefonka, fadlan wac 0844 800 6728 lagana yaabo inaad la hadasho qof ku hadla afkaaga.
Sida ugu sahlan ee aad ku bixin karto lacagta ruqssadaadu waa Bixinta Tooska, oo kuu oggolaanaysa inaad bixiso bishii ama dhawrkii bilood mar, ama mar qudha wada dhiibto ujradda sannadkii. Marka aad sekinto Bixinta Tooska, ruqsadaada si toosa ayaa loo cusboonaysiinayaa sannad kasta, markaa mar danbe kama werweraysid ruqsad la'aan.
Waxaad ka sekimi kartaa Direct Debit internetka ama wac 0844 800 6728 adiga oo wata faahfaahinta bangigaaga oo idil. (Fadlan ogow in ay la socoto Bixinta Tooska ee Afar-biloodlaha lacag dheeraad ah oo ah £1.25 afar-biloodkii mar. Waxa kale oo aad ogaataa in bangiyada qaar iyo dhismayaasha bulshadu aany aqbalin Bixinta Tooska, markaas iska hubi marka hore.)
Si kale oo lagu bixin karo lacagta ruqsadaadu waa mashruucayaga Bixinta Lacagta Kaashka, oo kuu oggolaanaya inaad toddobaadkii ama laba-toddoblihii bixiso waxyar oo dhan £5.50 toddobaadkii. Wixii macluumaad dheeraada iyo sekimintaba, fadlan soo wac 08457 289 289 (Ingiriisi Keliya).
Waxaad internetka ku bixin kartaa oo aad maarayn kartaa Ruqsadda TV. Markaas waxaad dooran kartaa inaad ku hesho ruqsadaada email licence by email, iyo dhammaan xiriiryada kale ee naga imaanaya. (Si sidaas loo sameeyo, waa muhiim in cinwaankaaga emailku ku qornaado keliya Af-Ingiriisi.)
Waxaad halkan ku bixinta Ruqsada TV - ama debit ama credit card ama aad ku sekimi Direct Debit.
Fadlan gacanta ku hayso faahfaahintaada bangiga oo diyaar u noqo in aad ku dhamystirto foomka bixinta Af-Ingiriisi.
Haddii aad haysato kaarka debit ama credit sida Maestro, Delta, Solo, Visa ama MasterCard, waxaad telefon ku bixin kartaa Ruqasadda TV. Wac 0844 800 6728 adiga oo gacata ku haya faahfaahinta kaarkaaga.
(Haddii aad rabto inaad bixiso lacagta adiga oo isticmaalaya adeega telefonka ee turjumaanka, fadlan wac 0844 800 6728 lagana yaabo inaad la hadasho qof ku hadla afkaaga.)
Waxaad tegi kartaa meel kasta oo leh PayPoint si aad ugu gadato lacag ama debit card Ruqsadda TV. U sheeg lacag-hayaha magacaaga iyo cinwaankaaga.
Waxa jira in kabadan 19,000 goobood oo PayPoint dalka Ingiriiska, oo ay jiraan meelo lacagta lagu qabto sida dukaanka xaafadaada, subarmaarkitka ama garaashka. Goobo badan oo PayPoint ayaa saacado badan furan, toddoba maalmood toddobaadkii. Waxaad halkan ka heli kartaa goobaha PayPoint ama wac 0844 800 6799 (Ingiriisi keliya).
Waxaad jeeg u diri kartaa TV Licensing, Bristol BS98 1TL. Fadlan ku qor 'TV Licensing' ujrada buuxda ee ruqsada oo xusuuso inaad ku qorto dhabarka magacaaga, cinwaankaaga iyo postcode. Fadlan ha dirin lacag kaasha.
Waxaad u kaydin kartaa qiimaha Ruqsada TV si yaryar oo ah qadar la maarayn karo markaad adeegsato kaaraka kaydka. U qaado kaarkaas goob kasta oo PayPoint si aad wax ugu darto kaydkaaga adiga oo isticmaalaya kaash ama debit card. Haddii aad kaydsatay ujrad buuxda ee Ruqsada TV markay joogto cusboonaysiinta ruqsadu, waxaad si toosa boosta ku heli doontaa ruqsad cusub.
Si aad u hesho oo u dalbato kaarka Kaydka Ruqsada TV, fadlan wac 0845 155 0327 (Ingiriisi keliya).
Haddii aad dhawaan guurtay guri, waa inaad na soo ogeysiiso si aan cinwaankaaga cusub ugu bedelo Ruqsadaada TV si aad u haysato mar walba ruqsadaada. Waxaad ka cusboonaysiin kartaa faahfaahintaada internetka ama naga soo wac 0844 800 6728.
Haddii aad jirto 74 oo aad noqonayso 75 kahor intaanay dhicin Ruqsad TV, waxaad u qalantaa inaad iibsato Ruqsad TV oo Muddo Gaabana. Taasi waxay dabooli doontaa cinwaanka gurigaaga ilaa dhalashadaada 75aad, markaad u qalanto Ruqsadda TV ee Da'da Kaweyn 75 jirka. Ruqsadda TV ee Muddada Gaaban, waa inaad bixiso tiro bilo ah oo u dhaxaysa taariikhda ruqsadaada cusub ee dhacaysa iyo dhalashadaada. Si aad u dalbato, fadlan wac 0844 800 6728 adiga oo gacanta ku haya lambarkaaga National Insurance. (Tan waxaad ka heli kartaa bayaanka bangiga haddii hawlgabkaaga lagu shubo xisaabta bangigaaga.) Haddii aanad haysan lambarka National Insurance, fadlan na soo wac si aan kuugu diyaarino nidaam cadaaynaya taariikhda aad dhalatay.
Haddii aad jirto 74 ama ka weyn, waxaad u qalantaa Ruqsadda TV ee Da'da Kaweyn 75 jirka ee cinwaankaaga guriga, haddii aad xataa la nooshahay qaraabo ama asxaab da' yar. Haddii aad haysato Ruqsadda TV ee Muddada Gaaban waxaad si toosa u heli doontaa Ruqsadda TV ee Da'da Kaweyn 75 jirka oo bilaasha markaad noqoto 75 jir. Haddii kale, waxa muhiima inaad dalbato mid oo wacdo 0844 800 6728 adiga oo gacanta ku haya lambarka National Insurance (Tan waxaad ka heli kartaa bayaanka bangiga haddii hawlgabkaaga lagu shubo xisaabta bangigaaga.) Haddii aanad haysan lambarka National Insurance, fadlan na soo wac si aan kuugu diyaarino nidaam cadaaynaya taariikhda aad dhalatay.
Haddii adiga ama qof kale oo kula nooli indho la'yahay ama xoogaa indho daran yahay, waxaad u qalantaa in lagaa dhaafo 50% kaharshka Ruqsada TV.
Si aad u sheegato dhimitaankan, waa inaad keento nuqul dhokomenti sajilka indho la'aanta ama caddayn dhakhtarka indhaha oo sheegaya inaad indho la'dahay ama xoogaa indho daran tahay. Fadlan soo raaci nuqulka lamb.Ruqsada TV, lamb. telefonka iyo jeeg ku socda TV Licensing Blind Concession Group, Bristol BS98 1TL.
Haddii qofka indhaha la' ama indhaha daran aanu haddaa ku qornayn ruqsadda TV ee cinwaankaaga, marka hore ku soo wareeji ruqsada magaciisa, oo lagu samayn karo markaad soo wacdo 0844 800 6728.
Haddii aanad isticmaalin TV, uma baahnid Ruqsadda TV. Laakiin waa muhiim inaad na ogeysiiso si aan u cusboonaysiino xogtaada. Fadlan wac 0844 800 6728 ama noogu soo qor TV Licensing, Bristol BS98 1TL oo noo sheeg inaadan isticmaalin TV. Sarkaalka Amniga ayaa ku soo booqan doona si uu u xaqiijiyo xaaladaas.
Fadlan ogow in xaalado gaar ahi saameeyaan Channel Islands iyo Isle of Man.
Waxaad halkan ka heli kartaa faahfaahin dheeraada ama, haddii aad rabto inaad afkaaga qof kula hadasho, wac 0844 800 6728.
Adiga waxaa loola jeedaa qofka lagu magacaabay shatiga. Qalabka TV'ga waxaa loola jeedaa qalabka soo qabto telefishinka.
Shatigu wuxuu kuu ogolaanayaa rakibidda iyo ku isticmaalka Qalabka TV'ka: